Daariz English

Barashadii Af-Ingiriisida oo la fududeeyey!
Sahamiye Foundation
Tải Daariz English APK
Đánh giá 4
Thể loại giáo dục
Google Play ID com.daariz.english
Lượt tải 5+
Tổng quan Daariz English
Qaybta barashada Af-Ingiriisida ee barnaamijka Daariz waxa loogu talogalay in aad ku barato ku-hadalka, akhriska iyo qoraalka Ingiriisida. Af-Ingiriisida waad ka baran kartaa haddii aad tahay qof hadda bilaw ah iyo haddii aad hore wax uga taqaannay ba.

Ujeeddooyin badan ayaa loo bartaa afka Ingiriisida. Waxa ka mid ah in aad ku wanaagsanaato luuqadda kolka aad dugisga ku baranayso, iyo in aad ku kabto aqoonta shaqadaada ama aad shaqo cusub ku raadsato ba. Sidoo kale, waxa loo bartaa in aad kula sheekaysto dadyaw aad wax ka dheefayso, ama ugu yaraan in aad maskaxdaada cariso oo aad barto af cusub.

Barnaamijkan waxa soo diyaariyay cha luuqaddan iyo dhigisteeda ba aqoon u leh. Waxa ku jira barnaamijka Daariz ee Ingiriisida casharro, laylisyo iyo imtixaanno xiiso leh oo xidhmo-xidhmo ah. Maadaama oo barnaamijkani yahay mid aan u baahnayn khadka internetka, goob kasta iyo goor kasta wax waad ku baran kartaa.

La soo deg barnaamijka Daariz ee Ingiriisida:

● Si aad u koriso aqoontaada naxwaha, tirada preferyada aad taqaanno ama aad ugu tababarato ku-hadalka, akhriska iyo qoraalka Af-Ingiriisida.
● Si aad ugu guuleysato billado iyo geel kolkasta oo aad cutub dhammayso. Kula tartan saaxiibbadaa tirada geela ah ee aad hesho kolkasta oo aad mustawe ka gudubto.

Bilaw maanta oo go’aanso trong aad barato ama kobciso aqoontaada Af-Ingiriisida. La soo deg barnaamijka Daariz ee barashada Ingiriisida.

Waxa aanu ku soo dari doonnaa barnaamijkan cutubyo cusub si aad mustawe hoose ilaa mid sare halkan wax uga barato. Arrinkani waxa uu kaa caawin doonaa trong aad barato maaddooyinka kale ee ku qoran Af-Ingiriisida sida Xisaabta iyo Sayniska. Tani waxa ay qof kasta u saamixi doontaa in uu iskii u aalo oo wax u barto hadhaw na u fadhiisto imtixaanno lagu helayo shahaadooyin kala geddisan.

Xem thêm
Tải APK bản Android
Hiện tại tạm không hỗ trợ tải APK của Daariz English. Vui lòng tải trên Google Play.
Google Play
Tải trên CH Play
1. Click "Tải trên CH Play"
2. Tải Daariz English trên CH Play
3. Khởi động và trải nghiệm Daariz English
Câu hỏi thường gặp về APK Daariz English

Liệu Daariz English có an toàn đối với thiết bị của tôi?

Xem thêm

File XAPK là gì? Nếu file Daariz English tôi đã tải về là định dạng XAPK thì sao?

Xem thêm

Tôi có thể chơi Daariz English trên PC?

Xem thêm

Hãy tìm thử

Ứng dụng tương tự như Daariz English